WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiwali Gaas oo ka hadlay wuxuu kala soo kulmay imaaraadka Carabta-Video

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo kusoo laabtay Magaalada Boosaaso ka dib safar uu ku tegay Imaaraadaka Carabta ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedadii u u tegay iyo kulamadii uu la soo qaatay madaxa Imaaraadka Carabta.
Waxa uu sheegay in sababta isaga iyo Wafdigiisa ay u tageen Imaaradka Carabta ay ahayd arimo la xiriira amniga Puntland iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in Wadahadaladii ay la yeesheen Imaaraadka ay guul ku soo dhamaadeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale wuxuu hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee maanta loo doortay Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan isagoo ugu baaqay inuu mideeyo baarlamanka kana shaqeeyo danta iyo maslaxada ummada isagoo alle uga baryey inuu waajibaadkiisa la garab galo, isagoo shacabka Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada dalka ka codsaday iney la shaqeeyaan.

Dhinaca kale, waxa uu xusay in dowladda Imaaaraadka Carabta uu kala hadlay wixii kaga aadanaa dhexdhaxaadinta khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna isku afgarteen in arintaas la sii ambaqaado, si meesha looga saaro mad madowga soo kala dhex galay, loona soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee labada dowladood ka dhexeeyey.

SOMALI NEWS

To Top