WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Buuhoodle Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Khaatumo oo sheegay in ay ku biireen kuwa Maamulka Puntland iyo sida wax u dhaceen-Video+Warbixin

Ciidamo ka Tirsanaa Maamulka Khaatumo ayaa sida ay sheegen waxaa ay ku biireen kuwa Maamulka Punland munaasibad ka Dhacday magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn,Ciidamaddan sheegay in ay ku biireen Maamulka Puntland  waxaa ay ahaayeen kuwa Maamulka Khaatumo gaar ahaan Ciidamadii ilaalada u ahaa Dr Cali Khaliif Galaydh.

Hoggaamiye yaasha ciidankan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka baxeen Khaatumo kadib markii Cali Khaliif Heshiis la galay Maamulka Somaliland,taasna ay u cuntami waysay waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dhawaan ayey ahayd markii Ciidamo hore uga tirsanaa Maamulka Khaatumo oo ku sugnaa deegaanka Caro-weyn ay sheegeen in ay ku biireen Ciidamadda Maamulka Puntland,sidoo kale waxaa jira Ciidamo kala du duwanaa oo ka mid ahaa kuwa Khaatumo oo xubno ka tirsan Khaatumo ay ku dareen Kuwa Maamulka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xili aan la garan karin halka ay ku danbeyn doonto hanaankii Siyaadeed ee Maamulka Khaatumo iyado oo uu Cali Khaliifna Socdaal aan ujeedkiisa la garaneyn ku joogo Hargeysa kadib markii uu kasoo laabtay Socdaallo uu ku marayey Mareykanka iyo Shir isaga iyo Faysal Cali Waraabe ku yeeshen Jarmalka,Shirkaas oo ilaa hadda wax uu salka ku hayey aan la shaacin sidoo kalena aan lasoo Bandhigin Natiijadii ama wixii shirkaas kasoo baxay.

Horufadhi Media.

SOMALI NEWS

To Top