Tafatirka Idaacadda iyo Telefeshinka BBC-da ayaa soo saaray go’aan rasmi ah kaas oo ah Magaca loogu yeeri doono Maamulka Soomaaliland.
Waxaana Maaxda BBC-da ay isku afgarteen in Soomaaliland hada kadib erey bixinta BBC-da ay ugu yeeri doonto uu noqonayaa “Jamhuuriyadda iskeed Madax-banaanida ugu dhawaaqday”.
Waxaa wararka ay sheegayaan in Arrinkaas ay si weyn ugu caroodeen Madaxda Maamulka Soomaaliland iyo Shacabkooda.
HALKAAN KA DAAWO BBC-DA
Dhaqan galka era-bixintan ayaa waxaa lagu soo beegay maalinta xiliga hargeysa looga dabaaldago Bisha May
Arrintan ayaa imaanaya, iyadoo BBC-da iyo Somaliland ay gaareen is fahan ku saabsan arrimo soo kale dhex gelay oo hakad geliyay howlaha BBC-da ee xafiiska Hargeysa.
Balse khilaafkan cusub ee dhaliyay eray-bixintaan ayaa keeni kara in mar kale ay xiisaddu cirka isku shareerto.
BBC-da ayaa dhageystayaal badan ku leh gobollada waqooyi ee Soomaaliya ee uu Ingiriisku gumeystay, balse 1991-kii iskood ugu dhawaaqay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
