Nairobi ( HM) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Warbixin lagu Lafoguray Xiisadii soo kala dhex gashay Soomaaliya iyo Kenya, Iyo Isbadalkii ku yimid Go’aankii Kenya.
Dawladda Kenya ayaa sheegtay Inaysan eryin safiirkii Soomaaliya, Halka Safiirkooda Soomaaliya ay ka codsadeen inuu Wadatashi u yimaado Kenya, halka safiirka Soomaaliyana ay ka codsadeen inuu wadatashi u aado Muqdisho.
Hadba Barnaamijka ayaa lagu soo bandhigay Xog badan oo ku saabsan Qorshihii Kenya ay ka la hayd Isku daygii Fashilmay, Taasi oo ceeb wayn ay ka raacday. “Kenya waxay rabtay inay Soomaaliya Go’aan adag soo Bixiso, Taasi oo ay ku doonaysay inay meesha uga saarto go’aanka Maxkamadda”.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Inkastoo ay Kenya u dhaqantay si masuuliyad daro ka muuqato, oo ay cadow daris ah ku qeexeen Soomaaliya, hadana jawaabta Soomaaliya ay bixisay ayaa noqotay mid ay ka muuqato dabacsanaan, fur-furnaan siyaasadeed, ixtiraam, darisnimo, abaal, iyo aqoon.
Barnaamijka ayaa sidoo kale lagu soo qaatay Hadal Cajiib ah oo kasoo yeedhay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo sheegay inay Soomaalida Midaynayso Danta Guud ee Qarankooda, Wuxuuna sheegay inay Kenya lugta iska toogatay.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO BARNAAMIJKA
“Soomaalida waxaa lagu yaqaan inay Midoobaan Marka ay Dal kale is Qabtaan, Taasi oo dhibaato wayn u keeni Kenya iyo dhamaan Bariga Afrika. Arintan Kenya way ka hoos baxday oo waxay ku dhacday Isdil Siyaasadeed, Markii xaaladu Xumaatay ayay Go’aankeedii Bedashay.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.