Hargeisa ( HM ) Xildhibaanada Golaha guurtida iyo wakiilada ee Somaliland ayaa Saaka isugu yimid Fadhi Cod loogu Qaadayey Xaalada degdeg aha ee Gobolka Sanaag uu Madaxwayne Muuse Biixi kusoo Rogay, waxaa ka soo xaadiray 107 xildhibaan .
Markii codeynta la bilaabay waxaa ogolaaday xaalada deg dega ah 40 xildhibaan , Taasi oo ka dhigan in Xildhibaanadu siwayn uga soo horjeesteen Arintaasi.
Hadaba waxaa dhacdo la yaab leh golaha ay ka dhacday Markii la rabay in gacanta loo taago inta diidan, ayaa gudoomiyaha Golaha wakiiladu fadhiga deg deg u xidhay iyada oo ay codeyntii socoto
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Intaa ka dib buuq iyo sawaxan ayaa goobta hadheeyay, Waxaana Gudoonka Filan waa ku noqotay Go’aanka Xildhibaanaddu ay Qaateen.
SIDEE LOOGA FALCIYEY FILANWAAGA KA DHACAY BAARLAMAANKA ?
Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka hadlayey Sida wax u dhaceen ayaa sheegay inaanu ka Filayn Baarlamaanka Somaliland inay Wuxuuna yidhi “ State of Emergency- gii ( Xaaladii degdeg ahayd ) sidaasuu ku jabay hadaan la is jiidhsiinayn. Waan u hanbalyaynayaa Baarlamaanka oo aanan sidan ka filayn. Waan ka xumahay hab dhaqanka gudoomiye Baashe. “