WARARKA SOOMAALI

Daawo:-arrin naxdin leh Askari Gabadh ku toogtay Xeebta Liido iyo aragagax ka taagan Saaka-Video

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Nin ku labisnaa dareeska ciidamada Dowladda Soomaaliya kadibna uu goobta isaga baxsaday sida uu Warbaahinta U Sheegay u sheegay qof goobjoog ka ahaa xiligii uu falka dilka ah dhacayay.

Askariga dilka geystay ayaa ka soo baxay dukaan uu alaab ka soo iibsaday,isla markaana gabadha ay iyana ka soo baxday mid ka mid ah Hotelada ku yaalla Liido uu la hadlay balse ay ka dhega adeegtay taasi oo keentay in uu rasaas ku furo isla goobtiina ay ku geeriyooto.

Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa dadka goobjoogayaasha ayaa Wareysi Uu siiyay Dalsan waxa uu sheegay in Gabadha ay ka mid aheyd dadka u soo damaashaad taga xilliyada habeenkii Xeebta liido.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top