WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Al-Shabaab oo kor u qaadey Weerarada ay ka geysanayaan gudaha Kenya Xili Magaalada Muqdisho…

Ururka al-Shabaab ayaa kor u qaadey bisha Ramadaan gudaheeda weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan dhulka xadka lawadaaga Soomaaliya.

Tan iyo markii ay bilaamatey bisha Ramadaan ayaa al-Shabaab ka fuliyeen weeraro loo adeegsadey miinooyinka dhulka lagu aaso meelo kala duwan oo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, waxaana ay ku dileen askar ku dhaw 21 qof.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Habeenkii xalay waxaa Malayshiyaad la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab ay gudaha u galeen Fafi oo hootsagta Gaarisa, waxaana ay ku dileen 7 askeri oo booliska ka tirsan iyo macalimiin iskoolka magaaladaas wax ka dhigeysey, waxaana ay qafaasheen qaar kamid ah Macalimiinta Fafi. Malayshiyaadka al-Shabaab ayaa burbur u geystey isgaarsiinta Safaricom, taas oo dhibaato ku noqotey xiriirka ciidamada amniga ee Kenya.

Tirada weerada ee afartii maalmood ee u danbesyey ayaa garaay 10 weerar, 5 kamid ah ayaa ka dhacay Gaarisa, saddex waxay ka dhaceen Mandheera halka labada kalena ay ka dhaceen Lamu.

 

SOMALI NEWS

To Top