WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala  wareegay Agaasimihii hore Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Ku-xigeennadiisa Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, Galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay
To Top