WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka

Wararka aan ka heleyno degmada Garbaahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xalay Saldhig Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmadaas.

Weerarka kadib ayaa waxaa Ciidanka dowladda Federaalka iyo Shabaabka weerarka soo qaaday dhexmaray dagaal muddo kooban socday, waxaana dadka ay sheegeen inay dareemeen cabsi la xiriirta weerarka lagu soo qaaday Saldhiga Ciidamada.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday Saldhiga Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Garbahaareey, in kastoo Maanta ay xaaladda Magaalada tahay mid degan oo wax kasta ay shaqeynayaan.

Saraakiisha Ciidamada ee Garbahaareey ayaan weli ka hadlin weerarka, Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay weeraro noocaan oo kale ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolada dalka.

 

Al-shabaab oo weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka
To Top