WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Aabe Wiilkiisa Wabiga ku tuuray oo sharaxay sababta ku kaliftay falkan laga naxay-Video

Jowhar (HM) – Soomaaliya Aabe Wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar ayaa sharraxay sababta ku kaliftay inuu geysto falkaan argagaxa leh xilli uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska magaalada Jowhar.

Muxumed Dhaayow Aadan oo ay gacanta ku hayaan ciidanka booliska ayaa sharraxay sababta ku kaliftay inuu wabiga ku tuuro wiilkiisa oo lugaha iyo gacmaha ka xidhan.

Aabaha wuxuu sheegay in wiilkiisa uu bartay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalana uu naftiisa kala cabsaday.

“Waan qabtay waan xir-xiray kadibna wabiga ayaan ku tuuray, waxa igu kalifay inaan dilo waxey tahay wuxuu noqday cabtooy, wuxuu halis galiyay nafteyda iyo maalkeyga, 9 sac oo mid irmaan ah ku jirto ayuu iga qashay, dariska wuu ka dhameeyay xoolahii, wax uu dhaafaayo maba jirin, waan daalay, sidii aan hanti uga gudaayay, markii dambe wuxuu bilaabay af xumo iyo waan ku tumaa, habeen hore ayaan qabtay, waan xir-xiray, wabiga ayaana ku tuuray” ayuu yidhi Muxumed Dhaayow.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waa markii labaad oo ay magaalada Jowhar marqaati u noqoto aabe dilay wiilkiisa, dhawaan ayey aheyd markii aabe uu wiilkiisa oo 14-jir ah gowracay.

Wiilka wabiga lagu riday waxaa da’diisa lagu sheegay 20-jir.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top