WARARKA SOOMAALI

Ciidamadda Kenya oo laga soo daayey qaar kamid ah Shacab ay hore u afduubteen-Video

 Kismaayo (HM)-Ciidanka difaaca Kenya ayaa xorriyadooda u soo celiyey saddex kamid ah sideed Soomaali ah oo ay ka afduubteen xuduudka labada waddan, sidda uu shalay ku dhawaaqay guddiga Jubaland u saartey dhacdadaas.

Guddigan oo uu horkacayo wasiiru dowlaha amniga maamul goboleedka Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa la fadhiistay saraakiisha Kenya iyagoo kala hadlay sidii ay u soo deyn lahaa Soomaalidaas la xidhay markii la qarxiyey KDF-ta.

Sideedaas Soomaalida ah ayaa laga kaxeeyay magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo kuna dhow sohdnta wadamadda Soomaaliya iyo Kenya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO muuqaalki sababay

Sidda laga soo xigtay guddiga, mid kamid ah sideedaas ruux ayaa ku dhintay ciidamadda Kenya, halka tirada kale ay wada-xaajoodyo ka leeyihiin.

Dhacdadaas lagu watay dhalinyaraadaas ayaa cadho ka abuurtey gobolka Gedo, waxaana banaanbaxyo ay ka dhaceen Ceelwaaq, Garbahaarey iyo Doolow.

dibadbaxayaasha waxay dalbanayeen in lasoo daayo shaqsiyaadkaas.

Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay falkaas ayaa dowladda federaalka ku booriyey in ay farageliso, hase ahaatee, ma qaadin wax talaabo muuqata.

Nairobi iyo Muqdisho ayaa gorada iskula jira marka ay timaado arrimo badan oo ay kamid tahay siyaasada arrimaha dibadda, gudaha, doorashooyinka soo aadan iyo kiiska badda oo ah qadiyada ugu weyn oo ay isku hayaan dhinacyada.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top