WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Xoogga oo Al-shabaab gaarsiiyay jab, kadib howlgal…

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab ay maanta ku dileen degaanka Galka-Xarareey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka mid ah Macalin Yuusuf oo ahaa madaxii Al-shabaab ee degaanka sida ay sheegeen saraakiisha hogaaminayey howlgalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Oddowaa Yuusuf Raage ayaa xusay in howlgalladii dhacay ee lagu baacsanayey kooxda lagu gaarsiiyey jab xoog leh, isla markaana ay sii wadi doonaan, inta ay ka sifeynayaan deegaanada ay ka joogaan dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa beryahan howlgalo xoogan ka waday degaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay joogeen xoogaga Al-shabaab.

SOMALI NEWS

To Top