WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Ammaanka oo tallaabo culus qaaday, kadib amarkii Madaxweyne Farmaajo

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo ay xalay ciidamada ammaanka ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey degmada Howlwadaag, iyada oo lagu soo qab-qabtay tiro dad, walow markii dambe qaar lasii daayey.

Taliye ku xigeenka qaybta Waliyow Cadde oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka u yahay fulinta amarkii kasoo baxay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay u diyaar garoobayaan bisha Ramadaan, wuxuuna baaq u diray guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan amniga, si looga hortego falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Ciidamada Ammaanka oo tallaabo culus qaaday, kadib amarkii Madaxweyne Farmaajo
To Top