WARARKA SOOMAALI

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ku guuleystay kursi Doorashadiisa uu tartan adeg ka furnaa

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP058, kaasi oo ay ku tartameen Musharaxiin dhowr ah…

Doorashada kursiugan oo ishana si weyn loogu hayay ayaa waxaa ku guuleestay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe oo wareegii koobaad helay 54-cod.

Kursigan doorashadiisa ay ku tartamayeen siyaasiyiin miisaan culus ayaa la filayay in uu gaaro wareeg labaad , hasa ahaatee wareegii koobaad ayuu ku guuleestay Sanbalooshe halka musharaxii labaad ee kusoo xigay Cali C/llaahi Cosoble uu helay 28-cod.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa u mahadceliyay ergada Codka siisay, isla markaana sheegay in Metelaad sax ah uu la imaan doono.

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa la filayaa inay soo gaba-gabeeyaan doorashada Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka socota Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ku guuleystay kursi Doorashadiisa uu tartan adeg ka furnaa
To Top