Garoowe (Horufadhi News)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cadiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Gudoomiyaha Gobolka Sool u magacabay Abuubakar Cabdi Geelle oo ah nin dhalinyaro ah.
Wareegto kaSoo baxday xafiiska madaxweynaha oo Lr,6, kuna taariikhaysan 11 june 2018 ayaa lagu sheegay in markuu arkay kartidiisa, aqoontiisa Iyo waayo aragnimadiisa shaqo Abuukar Cabdi Geelle u agacabay gudoomiyaha Gobolkaas oo ah gobolka ay ka tagan tahay xaalad coladeed oo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.