WARARKA SOOMAALI

Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Fiqi oo ka gubtay kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo & Col. Tuke.

Laascaanood ( HM) Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi iyo C.raxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Xubnaha Mucaaridka ku ah Dawladda Soomaaliya ayaa dood ka keenay Sawir  Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Booqasho ku jooga Maraykankau u la galay  Col.  Tuke oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidanka Xooga Dalka, Islamarkaana Dacwado ay horay ugu soo oogeen Xubno kasoo jeeda deegaanada Somaliland, Markii dambana lagu waayey wax dambi ah oo isagu uu gaystay.

Xildhibaan Fiqi oo soo Qaatay Sawirka Madaxwayne Farmaajo iyo Kornayl Tuke ayaa yidhi “Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed. “.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Sawirkan ka hadlay ayaa dhankiisa yidhi “ Madaxweyne Farmaajo waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Sadaq John oo ah danbiile dad ku xasuuqay xarunta Wadajir, wuxuu la sawiran yahay Kornayl Tuke oo danbi dagaal loo haysto, wuxuu taliyaha ciidanka Asluubta u dalacsiiyey ninkii Baydhabo dadka ku xasuuqay, ilaa iyo hataana kama damqan shacabka Cusbitaalada Kismaayo ku darxumaysan. Tani waxay cadayn u tahay in uu xasuuqa raali ka yahay, xuquuq aadane wax dan ah ka lahayn”.

Dad badan ayaa siyabao kala duwan uga Faceliyey Hadalka Labada Masuul, kuwaasi oo sheegay in Xubno ka tirsanaa Jabhadii dalka ka dagaalamay ay hada yihiin Madaxwayneyaal, Qaarkoodna ay yihiin Xildhibaano Aqalka sare iyo Midka Hoose.

Xamdaan Xidig oo ah Qoraa ka Faalooda Arimaha Soomaalida oo Arintan ka hadlaya ayaa yidhi .

“ Yaa dambiile ah haddii Kornayl Tuke oo ahaa askari qarankiisa u dhaartay oo dalka ka difaacayey jabhad itoobiya soo hubaysay oo qarankii Soomaaliyeed lagu duminayey uu dembiile noqday, C.raxmaan Caddishakuur oo baddii Soomaaliya gatay siyaasi sharfan yahay, Xildhibaan Fiqi uu Muuse Suudi  iyo Cabdi Qaybdiid u yaqaano senatoro sharfan oo aan dembi gelin maalinkasta sawir la gallo.

Halka Muuse Biixi, inna Kaahin iyo Taani aay Somaliland hogaan ka yihiin oo xasuuqyo binu aadanimo ka geeystay Dilla, Boorama, Kalshaale, Laascaanood iyo Badhan aay dembiyaal noqon waayeen taas macnaheedu waa hal koox iyo hal beel inaay dembiiyaal tahay, Soomaali waa inaay xisaabtan taa oo maxakamad cadli ah oo qofkasta oo dalka dembi ka galay la mariyaa ama Soomaali waa inaay is cafisaa oo dembiyadii ay kala gashay iska cafidaa labadaas wixii la soo hadha waa ujeedo gaar ah iyo dad gaar ah loo danleeyahay cidina iska yeelli mayso

Waxaan qabaa qofkasta oo dembi galay in lala xisaabtamo, laakiin marna ma aqbalayo kuwii dembiga galay inaay qayb agtaayda ku sharfan tahay qaybna la beegsado..

Kornayl Tuke maxakamad ayaa dembi ku waysay kana beri yeeshay marka laga tago in ciidankii uu ka tirsanaa tacadi lagu hellay oo lacag lagu Xukumay. “ Ayuu Yidhi Xamdaan Xidig.

 

SOMALI NEWS

To Top