WARARKA SOOMAALI

Baarlamaan M/Goboleed oo fasax galay kahor Doorashada Aqalka Sare

Guddoomiye ku -xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 48-aad.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 41 Xildhibaan, Furitaanka ka dib Guddoomiyaha ayaa la wadaagay mudanayaasha in wakhtiga Kalfadhiga oo ahaa 45 cishe ay ka hartay maalmo kooban loona baahan yahay maalmo dheeraad ah oo ku eg Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday illaa 3-da bisha August, 2021 in fasax kooban Goluhu galo.

Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaan weli soo magacaabin Guddiga Baarlamaanka ee qabashada Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, xili dib u dhac uu ku yimid Doorashada oo la filayay in la qabo 25-kii bishaan July.

SOMALI NEWS

To Top