WARARKA SOOMAALI

Baaritaano culus lagu haayo weerarkii Villa Rays & Xasan Sheekh oo Amar bixiyey

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  soo farageliyay baaritaano culus oo Maxkamadda ciidamada qalabka sida ku sameeyneyso weerarkii Al-shabaab laba maalin kahor ku qaadeen hotelka Rays ee magaalada Muqdisho.

Illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha uu dalbaday in si deg deg ah lagu siiyo warbixin ku saabsan qaabka iyo sida uu ku dhacay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Rays oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh oo isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada dowladda Federaalka ayaa sheegay inuu doonayo in si cad loogu tilmaamo cidda leh mas’uuliyadda amni darro ee dhacday, taasi oo laga sugayo Hay’adda Nabadsugida ee NISA.

Arrimaha su’aalaha ka taagan yihiin ayaa ah sida ay ku dhacday in hay’adda sirdoonka ee NISA ay ka warheli weyso kana hortagi weyso weerar ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada qaranka iyo xarunta NISA.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaadi doono tallaabo deg deg ah, Hotel Villa Rays ayaa wuxuu ku yaallaa meel aad ugu dhow Villa Somalia, oo amnigeeda aad loo sugo.

Baro koontarool oo amnigooda siweyn loo sugo ayaa ku yaalla wadda walba oo gasha hotelka Rays ee magaaalda Muqdisho, wayna adag tahay xitaa inay galaan dadka shacabka ah.

Baaritaano culus lagu haayo weerarkii Villa Rays & Xasan Sheekh oo Amar bixiyey
To Top