WARARKA SOOMAALI

Abwaan caan ka ahaa baraha Bulshada oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Majaajiliiste Cumar Cabdiwaxid Aadan oo caan ku ahaa magaca Abwaan Geesi, sida ay xaqiijiyeen geeridiisa qaar kamid ah eheladiisa oo la hadlay warbaahinta.

Abwaan Geesi ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi oo ugu dambeyn xanuunkii haayey uu ugu geeriyooday, wuxuuna ahaa Abwaan dhallinyaro oo caan ka ahaa baraha Bulshada.

Abwaanka ayaa waxaa uu samayn jiray riwaayadaha iyo filimada ay dhallinyaradu ku madadaashaan, isagoo horay u jilay riywaayado dhanka wacyigellinta iyo arrimaha bulshada ku saabsan.

Baraha Bulshada ayaa waxaa harreeysay tacsida loo dirayo marxuumka, qoyskiisa iyo asxaabtiisa, waxaana dad isugu jiray shacab iyo mas’uuliyiin ay Alle uga baryeen Cumar Cabdiwaxid Aadan inuu janada fardowsa ka waraabiyo.

Abwaan caan ka ahaa baraha Bulshada oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi
To Top