WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe oo Ciidamo aad u hubeysan usoo watay Muqdisho.

Kismaayo (HM)-Magaalada Kismaayo waxaa saaka diyaarad gaar ah kasoo qaaday ciidamo aad u hubeesan oo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee ilaaliya Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Ciidamadan oo goordhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah u ilaalin doona amaanka Madaxweynaha maamulka Jubbaland inta uu joogo magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweynaha Jubbaland ayaa loo diyaariyay in la dejiyo guri ku dhax yaala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo la ogyahay in ay ilaaliyaan Ciidamada AMISOM iyo ciidamo kale oo katirsan milatariga Soomaaliya, lamana yaqaan cida ay ka ilaalinayaan ciidamadan badan oo Muqdisho usoo watay.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa markasta ay imaanayaan magaalada Muqdisho usoo wata ciidamo badan oo ilaaiya, halka Madaxda kale ee maamul goboleedyada marka ay Muqdisho yimaadaan amaankooda ilaaliyaan ciidamada dowlada.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top