WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Hirshabeelle

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Halgan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu xalay ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Hiiraan, waxaan halkaas ka dhacay dagaal dhowr daqiiqo socday.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isdhaafsanayeen labada dhinac, wallow markii dambe ay istaagtay, sidoo kalena ay sheegi karin khasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii habeenkii xalay aheyd dhexmaray Ciidanka Itoobiya iyo Al-shabaab, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa horey sidaan kale dhowr mar weeraro ku qaaday Saldhigyo Ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay dhexmareen dagaalo khasaaro geystay.

SOMALI NEWS

To Top