WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo soo bandhigay ergadii dooratay Gudoomiye Jawaari.

Muqdisho (HM)-Al-Shabaab ayaa mar kale soo bandhigay qaar ka mid ah ergadii dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay deegaanada ay maamulaan ugu yeereen Ergooyinka iyo odayaasha soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Qeybtii 3aad ee ergootinka soo dooratay Xildhibaanada ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Buulo Fulaay, waxaana ergooyinka la soo bandhigay ay gaarayeen illaa 76 ergo.

Baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay sawirada ergooyinka, waxaana ku jiray ergooyinkii dooratay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Al-Shabaab ayaa horay deegaanada ay maamulaan ugu soo bandhigay ergooyin ay sheegeen inay doorteen Xildhibaanada laga soo doortay Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed, waxaana markii hore ay u qabteen inay isku soo diiwaan geliyaan 45 cisho, balse markii mudadaas ay dhamaatay ay ku dareen waqti dheeraad ah.

SOMALI NEWS

To Top