WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo shaacisay sababta ay u dishay Gen. Maxamed Nuur Galaal

Al-shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka koowaad ee weerarka lagu qaaday Huteel Afrik uu ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa dadkii shaley ku dhintay weerarkaas.

Waxay sheegeen in janaraalka ay u heysteen weerarro horey Al Shabaab loogu qaaday oo uu kamid ahaa duqeyntii lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al Shabaab isla markaana ay ku raadjoogeen muddo 13 sano ah.

1-dii bishii May ee sanadkii 2008- dii ayaa Ceyrow uu Mareykanka ku dilay duqeyn laga fuliyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxay sidoo kale sheegeen in uu soo abaabulay ciidankii Ahlu Sunna ee Al Shabaab kula dagaallamay gobollada dhexe ee Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top