WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo gurigooda ku dilay, aabe, hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhaleen

Baydhabo (HM) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xasuuq aan loo meel dayin u geysatay qoys ka koobnaa 7 qof oo ku noolaa guri ku yaalo degmada Waajid ee gobolka Baay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerar ku qaadeen gurigaas oo uu daganaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Weerarkaan oo ay geysteen maleeshiyo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 7 qof oo isugu jiro hooyo, Aabe iyo ilmihii ay dhaleen. Ilmaha la dilay ayaa waxaa ugu yaraa canug jiray sanad iyo bar.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Aabaha qoyska oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda inkastoo uu iska caabin xoog leh sameeyey, haddana ugu dambeyn waa uu geeriyooday kadib markii ay galaafatay rasaastii tirada badneyd ee kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab ayaa rasaas xoog leh oo daqiiqado badan socotay la dhacay guriga taasoo keentay inay geeriyoodaan dhammaan dadkii ku sugnaa.

Taliyaha Booliska Degmada Waajid Daahir Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay hadda wadaan baaritaan ku aadan falkaas iyo qaabka uu u dhacay.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tacsi u diray ehelada ay ka baxeyn qoyskaas.

Degmada Waajid oo uu falka ka dhacay ayaa ka tirsan Gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya, waxayna Caasimadda Muqdisho u jirtaa illaa 302km dhanka Waqooyi Galbeed, waxayna u dhowdahay xuduudka itoobiya oo qiyaas ahaan u jirta 70km.

Kooxda Al-shabaab ayaa deegaanada iyo deegaanada dhaca Shabeelooyinka ee Koonfurta Soomaaliya waxaa ay ka gaysataa falal joogta ah oo kuwan la mid ah, halka mararka qaarna ay si aan loo meel dayin ay dab u qabadsiiyaan Baabuur Xamar ka tagtay oo uraran Gobalada Koonfureed ee Dalka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top