WARARKA SOOMAALI

AKHRISO: Xaaf oo Xayiraad saaray Diyaaradihii ka imaan jiray Muqdisho ee Cadaado umaan jiray iyo Xaalad kacsan…

Madaxweyne Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaysan wax diyaarad ah kasoo dagi karin Magaalada Cadaado marka laga reebo kuwa safalka iyo AMISOM.

Xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xaqiijiyey inay waraaqdaan tahay mid saxan isla markaasna uu isaga soo saaray, Wuxuuna ku amray Saraakiisha Ciidamada, Wasaaradda Amniga, He’adda saadaasha Hawada, Shirkadaha diyaaradaha ee sida gaarka ah loo leeyahay inay fuliyaan amarkiisa.

Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Cadaado ka imaanayo ayaa sheegayo in Garoonka Diyaaradaha lagu xiray Qoryaha lidka Diyaaradaha kuwaas oo la sheegay in lala beegsan doono diyaarad kasta oo jabiso amarka Madaxweyne Xaaf.

Xogta kale aan heleyno ayaa sheegayo in waraaqdaan loo diray Xafiiska Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada sidoo kalana qadka taleefoonka laga wacay.

Xaaladda Cadaado ayaa ah mid khasan waxaana laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog ah, waxayna arrintaan ka dambeysay markii ay Xildhibaanadii tagay Cadaado sheegeen in waanwaantii ay wadeyn laga carqaladeeyey dhanka Dowladda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top