WARARKA SOOMAALI

Akhriso: Qaab dhismeedkii ciidamada kala duduwan ee dalka Soomaaliya oo la isku raacay, Gudiyo loo sameeyey+Qaabka loo asteeyey-NUQUL.

Guddiyada Difaaca, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray warbixinta dib u eegista labada Guddi ku soo sameeyeen ee ku aadan hab dhismeedka Amniga Qaranka, kaasoo qorshihiisu yahay in la horgeeyo shirka London.

Warbixin ka kooban 7 qodob ayaa looga hadlay kulankii su’aalaha lagu weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo talooyinkii ka soo baxay iyo go’aankii ka soo baxay fadhigii Baarlamaanka ee ay yeesheen 25-kii bishii hore, ee looga dooday soo jeedinta Guddiga Difaaca Baarlamaanka ee qorshaha Amniga Qaranka ee ay ku heshiiyeen Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Hadaba waxaa halkan hoose idin ku soo gudbineynaa warbixinta Guddiyada ka soo saaren dib u eegista ku aadan hab dhismeedka Amniga Qaranka oo dhowaan Xildhibaannada ay tuhun weyn ka muujiyeen.

SOMALI NEWS

To Top