WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Muuse Biixi oo waraabe taag ka dhigay Faratoon iyo Sacad Cali Shire oo la wareegay shaqadii Wasaaradda-Warbixin Xasaasi ah!!.

Laascaanood (HM)-Madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu mar kale Wasiirka maaliyadda maamulka Hargeysa Dr. Sacad Cali Shire u xilsaaray inuu ku sime masuul ahaan uga sii noqdo wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga ee Soomaliland.

ka dib markii uu wasiirkii arrimaha Debedda  maamlka Soomaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon uu  muddooyinkii u dambeeyay hawlo gaar ah ugu maqnaa dalka dibadiisa sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Soomaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in Sacad Cali Shire uu wasaarada arrimaha dibadda u sii ahaan doono ku sime, laakiin warar soo baxaya ayaa  sheegaya in Sacad Cali Shire uu maalmaha qaar wasaaradda fadhiisan doono taasoo keentay tuhunkan weyn iyadoo ay jiraan agaasime wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal kale oo wasaarada ah!.

Bishii lasoo dhaafay ee Julay 28keedii ayey ahayd markii la arkay Sacad Cali Shire oo Madaxweynaha Soomaliland kala qayb galaya  kulan uu la yeeshay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire James Swan oo socdaal ku yimid Hargeysa ,waxaana kulan wadajir ah Hargeysa ku qabtay Wasiir Sacad iyo James Swan iyadoo aan la arag Wasiir Faratoon.

Maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa soo baxay su’aalo la iska weydiiyay doorka Wasiir Sacad ee arrimaha dibadda arrimaha dibada Soomaliland madaama Wasaaradan ay leedahay wasiir-xigeen iyo agaasime
guud, waxaana xusid mudan in Wasiir-xigeenku uu danjire James Swan
maalintaas soo dhaweeyay, kana qayb galay kulanka madaxtooyada, balse
aanu haddana la qaban kulankii saxaafadda loogu tallo galay!.

Bishii June waxa la ogaaday in Muuse Biixi uu ku sime ahaan ugu asteeyay wasaaradda qorshaynta oo uu wasiirkeedii Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa, iyadoo ay wasaarada qorshayntu leedahay
wasiir-xigeen iyo agaasime guud. Wargeyska Geeska Afrika oo kamid ah warbaahinta arrintan daba gashay ee Soomaaliland ayaa wuxuu la xidhiidhay Wasiirka arrimaha
dibadda Yaasiin Faratoon oo dalka dibadiisa ku maqan, oo uu weydiiyay
jiritaanka warkan, waxaanu si kooban u yidhi “Waa dhab oo dalka waan ka
maqanahay, dalkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne Qaran,, taasoo aan la fahmin wax uu uga jeeday wuxuuna ka gaabsaday dhamaan su,aalihii kale ee uu Wargeysku wadiiyey ee khuseeyay arrintan.

Dhanka kale Wargeyska Geeska Africa oo damcay inuu wax ka waydiiyo arrintan Sacad Cali Shir ayaanay u suurtogelin.

Intaas kadib Baadhitaan iyo dabagal ay samaysay warbaahinta Horufadhi News ayaa waxaa ku ogaanay in Muuse Biixi uu doonayo inuu xilalka muhiimka ah ee Maamulkiisa uu ku uruuriyo tiro kooban oo xubnaha Beeshiisa ah iyo kuwa uu u arkay in ay daacad u yihiin oo uu aaminsan yahay sidoo kalana waxaa jira Wasaarado kale oo uu Biixi doonayo inuu ka dhigo wasiiradoodan Waraabe taag howl gab ah shaqadana ay soo faragashadaan xubno ay isku dhow yihiin sida Sacad Cali Shir iyo Maxamed Kaahin.

 

Wasiir Faratoon ayaa hada waxaa uu ku sugan yahay Hargeysa isaga oo dibadda kasoo laabtay waxaana aragatay Horufadhi Newsn isaga oo shir kaga qayb galaya maanta Hotel Maansoor ee Hargeysa ,sidoo kale ilaa hada Faratoon kama hadal arrintan Warbaahinta Soomaliland isla dhex marayso.

Ilaa markii Faratoon loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Soomaliland waxaa soo baxayey warar sheegaya in booskan uu yahay mid uusan Muuse Biixi ku halayn doonin Faratoon waxaana ay arrinta hada la isla dhexmarayaa si cad daaha uga rogaysaa tuhnadi la qabay.

Horufadhi News

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top