Laascaanood (HM)-Maamul gobaleedka Puntland ayaa mar kale ku celisay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriiriyay qarax 11-May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso.
War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada maamulkaas Puntland ayaa looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso.
Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.