WARARKA SOOMAALI

AKHRISO:-Kenya oo shaacisay war ka farxiyay Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta,ayaa arbacadii shalay balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Gobolka si uu gacan uga geysto dib u soo celinta xasiloonida dalalka deriska ah sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Mr. Kenyatta ayaa go’aan ku gaaray inuu xoojin doono awoodda Ciidanka nabad galyada si loo ilaaliyo ammaanka,isagoona xusay in nabad la’aan aysan jirin nolol,sidaasi daraateedna ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya iyo dalalka kale ee deriska la ah nabad loogu soo dabaali lahaa.

Wuxuu sheegay in danta Kenya ay tahay in dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ay degaan,isagoona xusay in Labadaasi Wadan ay yihiin wadano dagaal sokeeye ay aafeeyeen,balse hadda si dhaqsi ah u soo kabsanaya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal qani ah ay dhibaato ku hayaan dad Ajaaniib ah oo ka bar bar dagaalamaya Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,wuxuuna balanqaaday in Kenya ay sii wadi doonto taageerida Soomaaliya si mar kale dib ugu hanato Xasiloonideedii.

Sidoo kale,Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ammaanay Ciidanka Midowga Africa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya,kuwaasi oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ka caawiya dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-Shabaab.

Kenya ayaa waxay qeyb ka tahay dalalka deriska ah ee Ciidanka ka joogaan Soomaaliya,waxayna Dowladda Soomaaliya marar badan ku cel celisay iney Kenya door muhiim ah ku leedahay nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa hadda gabalkooda sii dhacaya,waxayna ku jabeen howlgalka sida wadajirka ah ay u wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOM,Waxayna Maleeshiyada iyo horjoogayaashooda Al-Shabaab isaga carareen deegaanadii fara ku tiriska ahaa ee ay ku dhuumaaleysanayeen.

SOMALI NEWS

To Top