Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa guud ahaanba xirtay Xarunta karantiil Cudurka Coronovirus ee Garoowe sida lagu wargaliyey shaqalihii Xarunta.
Wararku waxaa ay tibaaxayaan in Shaqaalihii Xarunta oo ka koobnaa 10 qof ay wasaaradu ku wargalisay in aysan wax mushaar ah u heyn shaqalaha Xarunta.
Shaqaalaha ka shaqynayay xarunta ayaa la sheegay in 4tii bilood ee ugu damaysay qaadan wax mushaar ah, balse masuuliyiinta ayaa u sheegay in dib loogu soo diri doono lacagtii ay Xaqa u lahaayeen.
Sidoo kale waxaa jirta shaqaale ka shaqeeya Goobaha Caafimaadka gaarka looleeyahay oo loo soo bandhigay in ay ka shaqeeyaan Xarunta Covid19 ee Garoowe.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta sare ee maamulka Puntland, kaasi oo ay kaga hadlayaan tallaabada Wasaaradda caafimaadka Puntland ay guud ahaanba ku xirtay Xarunta karantiil Cudurka Coronovirus ee Garoowe.