Hargeysa (HM) – Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa maanta markale ka hadlay xidhiidhkeeda kala dhaxeeya Itoobiya iyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Eratariya, Itoobiya iyo Soomaaliya.
Somaliland ayaa markale ku celisay in xidhiidhka Itoobiya uusan waxba iska badalin, iyadoona ka dhawaajisay in wax muhiim ah oo sameyn ku yeelan kara xidhiidhkooda aysan ilaa hadda u muuqan.
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, Wasiirka arrimaha dibeda maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland oo la hadlayey Wargeyska The Reporter oo ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa meesha ka saaray walaac ay hore u muujiyen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkoodu. xili uu ka seexan waayey warbixinta uu hore u qoray The Reporter , Horufadhi News na ay baahisay.
Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay ku soo wargelisay in dhaqso u soo magacaabi doonto qunsulkii Itoobiya ee Hargeysa, kaasi oo jagadiisu ay banaantahay muddo dhowr bilood ah. hase ahaatee ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara warka Faratoon oo u muuqda inuu dhexda u xidhay is difaacis dhanka warbaahinta ah.
“Waxaanu wadaagnaa xuduud, laakiin weli ma aragno wax sidaa muhiim u ah oo saamaynaya xidhiidhkayaga qotada dheer. Somaliland ma aaminsana in Itoobiya dhinac martay” ayuu yirI Wasiir Yaasiin Faratoon.
Wuxuuna intaas kusii daray “Waxba kama qabno Heshiiska saddex geesoodka ah ee Itoobiya ay la saxeexatay Soomaaliya iyo Eratariya, umana yeedhinayno in Itoobiya ay Soomaaliya la yeelato Xidhiidh wanaagsan ama in aanay la yeelan. Waxaanu xidhiidh wanaagsan oo dhinac walba ah la leenahay Itoobiya, kamana cabanayno heshiiska saddex geesoodka ah”. Xili kol hore ay walaac xooggan muujiyeen mucaaradku.
“Warbaahintu waxay bidhaaminaysaa in banaanshiyaha Jagada Qunsulka guud ee Itoobiya u fadhiyey Somaliland ay sababtiisu arrintaa la xidhiidho, waxaan doonayaa inaan hoosta ka xariiqo in xidhiidhkayaga diblumaasiyadeed mid adag, waxaana la noo sheegay in diblumaasigan dhaqso loo soo magacaabi doono, arrintan waxaanu kaga wada xidhiidhnay diblumaasi ahaan iyo dariiqyo kale”. hadalkan ayaa u muuqda inuu si cad Fartoin isaga difaacayo warbaahinta xogagaalka ah.
Si kastaba ha ahaatee waxaa shaki ku jirin in Itoobiya aysan wax ahmiyad ah siin maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ee aqoonsi raadiska ah kolka ay timaado danaha dhica diblamaasiyada iyo sidhexgalka Gobolka.
Horufadhi News