WARARKA SOOMAALI

Ciidamadda Puntland oo qaaday Wareer ay uga aar gudanayaan Al-shabaab oo Xalay ku miray Galgala-Akhriso

Boosaaso (Horufadhi News)-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa lagu sheegay in maanta oo Sabti ah ay hawlgal weyn ka sameeyeen togga Maraje ee dhaca Buuraha Calmadow halkaas oo la aaminsan yahay in ay maanta gaareen koox ka tirsan al_Shabaab oo habeenkii xalay dagaal gaadmo ah ku so qaadey saldhig ciidanka PMPF ee Puntland ay ku lahaayeen togga Balli-khadar ee ku dhaw magaalada Galgala.

Hawlgalkan ayaa ciidanka PSF ku beegsadeen oo kaga daba-tageen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa Togga Maraje wuxuu jawaab-celin u ahaa weerar gaadmo ah oo ay xalay Al Shabaab ku soo qaadeen xero ciidanka PMPF ee Puntland ku leeyihiin degaanka Balikhadar; intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ka dileen malayshiyaadka Al Shabaab 41 ka mid ah Al Shabaabkii xalay soo weeraray Balikhadar, waxaana laga dhaawacay Al Shabaab 32 xubnood, sdia lagu yiri warka kasoo baxay PSF.

Waa tiradii ugu badneyd ee hal mar al-Shabaab looga dilo dagaal kadib dagaaladii al_Shabaab ay Badweynta Hindiya ka soo weerareen Puntland sanadkii 2016 markaas o oo boqolaal kamid ah laga diley.

SOMALI NEWS

To Top