WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maamulka Somaliland oo si yaab leh uga hadlay Heshiisk Dekedda Magaalada Berbara-Video+Warbixin

Maxamuud Xashi Cabdi Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maamulka Somaliland ee Dowladdii Siilaanyo oo maalinnimaddii shalay ahayd ka hor hadlayay golaha wakiiladda Maamulkaasi ayaa ka hadlay Heshiiska Dekedda Berbara.

Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in aysan jirin gacan sadexaad oo shirkadda DP-WORLD ku wehelisa heshiiska Berbara waxaana uu hoosta ka xariiqay in aysan itooboiya ku jirin heshiiska Dekedda.

Hadalka Maxamuud Xaashi ayaa u muuqda mid uu xanafta iyo ceebbta dul hoganaysa xukuumadda Muuse Biixi uu doonayo in uu kaga reebo Siilaanyo iyo Maamulkii hore in  la eedeeyo iyadoo aan ognahay in ay Heshiiska galeen Xukumadii Siilaanyo iyo Shirkadda Imaaraadka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top