Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee ka dhalatay khilaafka arrimaha Khaliijka.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Yuusuf Garaad oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa si kulul uga hadlay tallaabooyinka ay qaadayaan dowlad goboleedyada, isagoo xusay in Xukuumadda Federaalka ay leedahay mas’uuliyadda arrimaha dibadda.
Waxaa uu sheegay in maamul goboleedyada aysan heysan sharciyad ay heshiis kula galaan dowlado shisheeye, waxaana uu ka dalbaday in howshaas ay uga dambeeyaan dowladda dhexe
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in maamul goboleedyada inay ka qanciso wixii ay tabanayaan, isla markaana dhageysato sida uu hadalka u dhigay.
Yuusuf Garaad oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha uu hoggaaminayo ee ku sugan Sacuudiga ayaa sheegay in marna aanay is bedel ku imaan mowqifkii dhex dhexaadnimo ee dowladda ka qaadatay Khaliijka, waxaana uu meesha ka saaray in arrintaas lagala hadlay dowladda.