WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xildhibaan Balan ku qaaday in uu noqon doono Mucaaradka ugu horeeya ee Dowladda Farmaajo,Haddii!-Video

Xildhibaan Cabdishire Jaamac Jooqle (Ciyaar jecel) oo kamid 27 sano ee lasoo dhaafay Kooxda Qaylo-dhaan isla markaana ku sugnaa Wadanka Dibadiisa kana waday howlaha baraarujinta,wacyigalinta iyo sidii Soomaalia nabad waarta iyo Dowlad awood leh looga dhalin lahaa ayaa 2012 Muqdisho kusoo laabtay wuxuuna ilaa hada ilaa sanadkaas ku sugan yahay Dalka khaas ahaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaalia kadib markii 2016 dhamaadkiisana loo doortay in uu kamid noqdo xubnaha Baarlamaanka Somaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xildhibaan Ciyaar jecel ayaa dadaal xoogan wuxuu hada ugu jiraa sidii uu wax ugu sheegi lahaa tiro badan oo xildhibaano ah kuwaas oo isku urursaday magaalada Nayrobi ee Caasimadda Kenya si ay u ridaan Dowladda uu gadh wadeenka ka yahay Maxamed Cabdilaahi Farmaaajo.

Xildhibaan Cabdi Shire ayaa meelo badan iyo madallo badan ka sheegay maalmihii lasoo dhaafay in Dowladda wakhti la siiyo ka hor inta aan macaaradad iyo dhaliil aan loo meel dayin dusha laga saarin.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray hadii Dowladda wakhti wanaagsan lasiiyo oo ay waxba qaban wayso in uu noqon doono Qofka ama masuulka ugu horeeye ee mucaaradka Xukuumada Khayre hogaanka u qabta.

Wararka Horufadhimedia.com

 

SOMALI NEWS

To Top