WARARKA SOOMAALI

Daawo:Qaybdiid oo war lama filaan ah ka soo saaray Khilaafka Galmudug iyo Ahlu-suna kana hadlay Doorashada Galmudug-Video

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa Fariin adag u diray Maamulada Ahlusana iyo Galmudug oo ugu baaqay in ka wada Shaqeeyaan sidii Doorasha loo dhan yahay ay 3-maalmood ka dib ay uga dhici lahayd magaalada Cadaado, ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Galmudug.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xildhibaan qeybdiid ayaa Nasiib daro ku tilamamay Khilaafka soo Xoogaysanaya ee Galmudug iyo Ahlusuna ee ku aadan Arimaha Doorasha, madaxweynaha cusub ee Dowladd Goboleedka Galmudug kadib iscasiadii C/kariin Xuseen Guuleed.

Qaybdii ayaa wuxuu sheegay in Doorashada Madaxwaynaha  ka dib loo baahan yahay in la Mideeyo maamulka Galmudug.

Ugu dambeyntii Qeybdiid ayaa sheegay Gobalada ay soo Mareen dhibaato Colaadeed iyo mid siyaasadeed oo ka reebtay Gobalada kale ee Soomaaliya islamarkaana Xiligaan uu yahay waqti waayoo aragtinimo badan oo u baahan in laga qaato Cashar muhiin ah oo lagu badbaadin karo dadka Gobaladaasi ku nool.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top