WARARKA SOOMAALI

Warmurtiyeed ka soo baxay hay’ada KDO ee Qurbajoogta Khaatumo State.

KU: Dhamaan Bulsha waynta Reer Khaatumo

OG: Xukuumada Khaatumo State of Somalia

 

Taariikhda: 23 March 2017

 

Markii aanu aragnay baaqyo is dabajoog ah oo guddaha iyo shirar qurbaha laga abaabulayo kuwaas oo lagaga soo horjeedo maamulka Khaatumo, waxaa noo muuqatay in bulshada reer Khaatumo lagu abuurayo jahwareer iyo kala fogaansho dhexdooda ah, taas oo sababi karta burbur iyo halaag aan laga soo waaqsan karin, xag maamul iyo bulsho ahaanba.

Haddaba anaga oo ah ururka Khaatumo Diaspora Organization(KDO), ahna ururka ama dalladda keliya ee ay ku midaysan yihiin jaalliyadaha Khaatumo ee caalamka daafihiisa kala jooga, waxaanu halkan ku cadeyneynaa qodobadan.

  1. In ururka Khaatumo Diaspora Organization(KDO) uu si buuxda u taageersan yahay maamulka Khaatumo kaas oo ay bulsho weynta reer Sool, Sanaag iyo Cayn si wadajir ah u sameysteen. Isla markaana loo doortay in uu ka taliyo aayaha iyo mustaqbalka ummada reer khaatumo. KDO waxa ay aaminsan tahay in wadajirka iyo taageerada maamulka lagu gaadhi karayo guul.
  1. In ururka jaalliyadaha Khaatumo Diaspora (KDO) uu taageersan yahay wada hadalada u bilaabmay maamulka Khaatumo iyo Somaliland, kaas oo dastuurka Khaatumo ku cad”In uu maamulka Khaatumo wada hadal la geli karo cid kasta oo ay ka dhaxeyso dan siyaasadeed iyo deegaan”  waxaanuna faraynaa bulsho weynta SSC in ay sugaan, taageeraana geedi socodka wada hadalada iyo natiijada ka soo baxda ee uu maamulka Khaatumo inoo keeno.
  1. In ururka Khaatumo Diaspora Organization(KDO) uu yahay hay’ada ay hoos yimaadaan dhammaan qurba-joogta reer Khaatumo taas oo masuul ka ah arrimaha jaalliyadaha sida, wacyigelinta, xalinta khilaafaadka, dhaqaallaha iyo ka shaqeynta mideynta jaalliyadaha Khaatumo, waxayna jaalliyaduhu ku mideysan yihiin in ay ka soo horjeestaan cid kasta oo isku dayda in ay wiiqdo ama burburiso maamulka Khaatumo iyo Khaatumo Diaspora Organization(KDO)

WBT

 

Waxaa warmurtiyeedkan si wadajir ah u saxeexay golaha Fulinta iyo golaha Sare ee Khaatumo Diaspora Organization(KDO):

Gudidda Fulinta KDO

1-      Eng Mohamed Jebril

2-       Amiir Ahmed  Jama Gabalaax

3-      Abdirisaq Tallman.

Gudidda Sare ee KDO (Board)

1-      Mohamed Bulaale

2-      Abdikadir Aidid

3-      Mohamed Jebril

4-      Rashid Hambuuse

5-      Farah Jibaar

6-      Ubah Olol

7-      Kinsi abdi

8-      Abdi Issa

9- Ibrahim (Coodanle)

SOMALI NEWS

To Top