Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10 nin oo ku eedeysan inay katirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.
Raggaan ayaa waxaa kamid ah Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo ku eedeysan inay Gaalkacyo ku dileen Wariye Jamaal Faarax Aadan, kuwaas oo horay dil toogasho loogu xukumay balse racfaan ay ka qaateen.
Raggan ay maxkamadda Puntland xukunka dilka ah ku riday ayaa lagu helay inay ahaayeen Shabakad dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo, waxana magacayadooda ay kala yihiin.
1-Cadde Cabdullaahi Maxamed
2-Cabdiqani Suleeymaan Jaamac
3-Xasan Jaamac Maxamed
4-Maxamed Cali Axmad Muuse
5-Farxaan Faysal Salaad Xirsi
6-Abdulahi Faysal Xuseen
7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur
8-Liibaan Aaden Muuse
9-Cabdiqani Farxaan Abdulahi
10-Cabdiraxman Cawil Maxamed