WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa gaaray dalka Eritrea & ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Caawa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasoo uga bilaabatay booqasho labo cisho maalin ah.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha, waa booqashadii 3aad oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago Eritrea 10 bilood oo Xafiiska uu joogo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la yeelan doona dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, iyagoona ka wada hadli doona arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka, arrimaha gobolka, waxaana Eritrea tababar uga socda kumanaan Ciidamo ah oo dhowaan loo qaaday.

Bilo kahor ayey aheyd markii boqolaal Askari oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababar kusoo qaatay dalka Eritrea dib loogu soo celiyay gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii dambe ay dayacday dowladda Soomaaliya, isla markaana duurka kusii deysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa gaaray dalka Eritrea & ujeedka safarkiisa
To Top