WARARKA SOOMAALI

Dad ku dhintay Daadad ku dhuftay Gobolladda Turkiga & Digniinta lasoo saaray

Roob Mahiigaan ah ayaa waxay ka da’een ugu yaraan 6 Gobal oo ku yaalla K/Bari ee dalka Turkiga.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay inay ugu yaraan 5 qof ku geeriyootay Daadka, halka dhowr kalena la la’ yahay oo ay daadka la tageen.

Hay’adda dalka Turkiye ugu qaabilsan Saadaasha Hawada waxay soo saartay Digniin Heerka khatarta, iyadoo la filan karo roobab wata daadad xooggan oo Goballadaasi ka sii da’i doona ilaa bishan 20-da.

Goballadda uu Roobka fatahaada wata ka da’ayaa ayaa kala ah :Adıyaman, Diyarbakır, Elazığ, Malatya, Kahramanmaraş, Mardin, Sivas, Şanlıurfa iyo ve Kilis.

Dad ku dhintay Daadad ku dhuftay Gobolladda Turkiga & Digniinta lasoo saaray
To Top