WARARKA SOOMAALI

Maamulka G/Banaadir & Taliska Booliska oo kulan ka yeeshay Amniga Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yusuf Xuseen Madaale, ayaa Xarunta Taliska Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir kula kulmay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska iyo Guddoomiyeyaasha Degmaayinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Ujeedka Kulankaan ayaa ahaa sugida iyo adkeynta  amniga iyo xasiloonida dadka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo Nawaaxigeeda, maadama, bishii barakeysneyd ee Ramaadaan nagu soo foodleedahay.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin ayaana Mas’uuliyiintaan ugu warbixiyay halka ay marayaan Howlaha dardargalinta sugida Amniga caasimadda iyo deegaannada kale ee hoos yimaada.

Taliye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa waxaa uu faray saraakiisha iyo ciidamada Booliska inay sugaan amniga Muqdisho, isla markaana laga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro, sida dilalka qorsheysan, weerara iyo kooxaha hubeysan ee burcada ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid faraha kasii baxaya, waxaana kusoo batay weerada iyo dilalka, iyadoona ugu danbeeysay shalay oo la qarxiyey guriga uu degmada Deyniile ka deganaa Taliyaha Nabadsugida degmadaas oo ku dhaawacmay qaraxaas.

Maamulka G/Banaadir & Taliska Booliska oo kulan ka yeeshay Amniga Muqdisho
To Top