Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed.
Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo Al-shabaab ay ka soo maleegi jireen.
Sidoo kale Madaxda ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab.
Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta waxa loogu yeero argagixisada.