WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Madaxweynaha Kenya iyo Abiy Axmed oo yimid Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalkeenna, tan iyo markii la doortay.

Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya

SAWIRRO: Madaxweynaha Kenya iyo Abiy Axmed oo yimid Magaalada Muqdisho
To Top