WARARKA SOOMAALI

Ciidamo Boolis iyo Nabadsugid ah oo gacanta kusoo dhigay maleeshiyaad Dil geystay

Maamulka Gobalka Mudug oo gacan ka helaya ciidamada nabadsugida iyo Booliska gobalka Mudug ayaa maal-mahaanba waday dadaalo la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsiyaad ku eedeeysnaa dil dhawaan ka dhacay deegaano hoostaga dagmada Bandiiradleey.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa soo xir xiray ku dhawaad 10 ruux kuwaas ah  ehelada eedeeysanayaasha loo heysto dilka kadib markii ay baxsadeen eedeeysanayaashii Falkaas geystay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahmed Bukhaari oo isagu horkacayay howlgalkaan ayaa ku amaanay ciidanka amniga dadaalka ay muujiyeen isagoo sidoo kalana sheegay in maamulka gobalku uusan marnaba ka hari doonin cid kasta oo ku lug leh falkaan iyo wixii la mid ah .

Gudoomiyaha  ayaa ugu danbeyna ugu baaqay shacabka gobalku ineey kala shaqeeyaan maamulka iyo hay’adaha Amniga sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeeysanayaasha.

Ciidamo Boolis iyo Nabadsugid ah oo gacanta kusoo dhigay maleeshiyaad Dil geystay
To Top