WARARKA SOOMAALI

Iiran oo lagu dal-dalay Nin Ajnabi ah oo ka tirsanaa Ururka Daacish & kiiska lagu helay

Nin u dhashay dalka Uzbekistan ayaa Maanta lagu fuliyey xukun Daldalaad ah, kadib, markii uu bishii April 5-dii ee soo dhaafay 3 qof ku dooxay magaalada Mash-had ee dalkaasi, iyadoo ay 2 ka mid u geeriyoodeen dhaawacyadii.

Madaxa Waaxda Caddaalada ee Gobalka  Khorassan Razavi ee dalkaasi ayaa waxa uu Maanta oo Isniin ah sheegay in la daldalay Eedeysanaha oo lagu magacaabo C/Ladiif Muradi oo 21 jir ahaa.

Xukunka Daldalaadiisa ayaa arroortii hore ee saaka ka dhacay gudaha Xabsiga lagu magacaabo Vakilabad Prison ee magaallada Mash-had ee dalkaasi.

Abdullatif Muradi oo 21-jir ahaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa Kooxda Daacish ee ISIS ee ka dagaalanta dalka Afghanistan.

Iiran oo lagu dal-dalay Nin Ajnabi ah oo ka tirsanaa Ururka Daacish & kiiska lagu helay
To Top