WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Wasiir C/raxmaan Beyle oo beeniyay Warar lagu faafiyey Baraha Bulshada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa been abuur ku tilmaamay warar maalmihii la soo dhaafay aad loogu hadal haayay Baraha Bulshada oo uu isaga horay u sheegay, kuwaas oo ahaa in dowladdii hore ee Farmaajo lacago farabadan uga tagtay qasnadda dowladda.

Wasiirka oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta wuxuu sheegay in lacagaha ay heyso Wasaaradda Maaliyadda aysan ku filneyn Shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada balse loo baahan yahay inay bixiyaan dadaal badan si loo helo.

Waxa uu sheegay wasiirka in aysan jirin lacag badan oo looga tagay qasnada dowladda, waxa uuna xusay in isagu marnaba oran lacag ayaa qasnada dowladda ka buuxda, waxa uuna ku baaqay in laga fiirsado faafinta wararka beenta ah.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dakhliga dowladda uusan markasta ku filneyn, waxa uuna xusay in markasta ku dadaalayaan in mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha ku bixiyaan waqtigii lagu bixin jiray.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA BEYLE

DAAWO: Wasiir C/raxmaan Beyle oo beeniyay Warar lagu faafiyey Baraha Bulshada
To Top