Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday waqtiga rasmiga ee la qaadayo Imtixaanka midaysan ee fasalka 12-aad.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in wadatashi dheer kadib la go’aamiyay in Imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 la qaado oo ay Ardayda u fariistaan 18-ka ilaa 22-ka Juun, 2022.
Wasaaradda ayaa ku boorisay, isla markaasna ka rajeyney dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka, sidoo kalena waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana ka dalbatay in ay ardayda ku garab-siiyaan diyaar garowgooda.
“Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda” ayaa lagu yiri Qoraalka.