WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Banaadiriga oo shaaciyay Jadwalka shanta kursi ee la hakiyey

Guddiga Maamulka doorashooyinka Xildhibaanada Banaadiriga ayaa soo bandhigay Guddiga xulista Shanta kurri ay leeyihiin Beelaha Banaadiriga, iyaga oo sidoo kale shaaciyay Jadwalka doorashada Shanta Kursi ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 25 Bishaan oo ku beegan Maalinta Jimcaha ah Magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashada Shanta Kursi ee kala ah.

Hop#265 oo uu hadda ku fadhiyo lufti Shariif  Maxamed  Cumar.

2: Hop#266 oo ay ku fadhiso Biibi Khaliif Maxamed.

3: Hop#105 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Jeylaani Nuur Iikar.

4: Hop#084 oo ay hadda ku fadhiso Fahma Axmed Nuur.

5: Hop#034 oo uu ku fadhiyo Khaalid Macoow Cabduqaadir.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa shaaciyay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashada Golaha Shacabka ee Xildhibaanada Banaadiriga, isla markaana la fasaxay qabashada doorashadaas oo uu horey u hakiyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

Doorashada Soomaaliya ayaa hadda ku socota si dardar leh, waxaana xusid mudan inay harsan tihiin doorashada in ka badan 100 Xildhibaan, iyada oo hal Maalin kaliya ay ka harsan tahay xiligii loo qabtay in la dhameystiro doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada Banaadiriga oo shaaciyay Jadwalka shanta kursi ee la hakiyey
To Top