WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn u bogaadiayay guddigii u xil-saarnaa doorashada xildhibaannada labada Aqal ee BFS ku matala Soomaaliland, ka dib xaflad casha sharaf ah oo xalay ka dhacday Muqdisho.

Rooble ayaa xubnaha guddiga doorashada Soomaaliland ku ammaanay dulqaad iyo karti dheeri ahy maaddaama ay howshii loo igmaday soo gaba-gabeeyeen ka hor xilligii lagu ballamay oo ahay 25-ka bishan, wuxuuna maamul Goboleedyada kale faray inay dardargeliyaaan doorashada.

Wuxuu sheegay Rooble in Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee ku jira Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwo lagu xisaabtamo oo muhiim ah, isla markaana waxaa uu ka dalbaday inay sameeystaan Kutlad ay ku mideysan yihiin Xildhibaanada, si aysan u kala qeybsamin.

Guddigii loo xil-saaray doorashada kurasta laba aqal ee Somaliland ayaa waqtigii loo asteeyay ka hor soo afjaray doorashada 11-xubnood oo Aqalka sare ah iyo 46 golaha shacabka ah, kuwaas oo markii la isku geeyo ah 57-xildhibaan.

RW Rooble oo kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi
To Top