WARARKA SOOMAALI

Dhuxul farabadan oo xalay laga dhoofiyay Dekadda Magaalada Kismaayo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Dekadda Magaaladaas habeenimadii xalay aheyd laga dhoofiyay dhuxul farabadan, lana xaalufiyey dhirtii ugu faraha badneyd.

Dad ayaa waxaa ku warrameen in Jawaano laga soo buuxiyey dhuxul, isla markaana lagu soo raray gaadiidka nooca xamuulka qaaday la geeyay Dekadda Kismaayo oo markii dambe looga daabulay Markab taagnaa dekadda Magaalada.

Dhuxusha ayaa waxaa la sheegay in loo dhoofiyay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana la tilmaamay in xalay Maamulka Jubbaland uu bandow geliyay Magaalada, lana joojiyay dhaq-dhaqaaqyii ka jiray aaga Dekadda.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) oo qarinayey dhoofinta dhuxusha ayaa sheegay in laamaha amniga Maamulka ay xalay howlgalo ka sameeyeen xaafaddaha Kismaayo, si looga hortego falalka amni darro.

Dhoofinta dhuxusha ee Kismaayo ayaa kusoo aaday, iyada oo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe uu Magaalada Muqdisho shalay kula kulmay Safiirka Imaaraadka Carabka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cuthmaan.

Dhuxul farabadan oo xalay laga dhoofiyay Dekadda Magaalada Kismaayo
To Top